Thursday, June 26, 2025

KASHIFAAD: Yaa qaatay Mushaarkii Ciidamada Gadoodsan..? [Akhri fadeexadda Taliyaha Ciidamada Xoogga]

U GAARA GOOBJOOGEC.COM

Ciidamo ka tiran kuwa milateriga ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta ku dhaqaaqay gadood ay ku xireen qaar ka mida wadooyinka Muqdisho iyagoo ka cabanaya mushaar ka maqan muddo 10 bilood ka badan.

Xog ay heshay Goobjooge.com ayaa lagu ogaaday in ciidamada gadoodka ay ka mid yihiin dhowr qeybood oo mushaar ka maqan yahay muddo 13 bilood ay isla markaana xuquuqdoodii la musuqmaasuqay.

Ciidamada mushaarka ka maqan yahay…?

Guud ahaan ciidamada mushaarka ka maqan yahay 13-ka bilood ayaa tiradoodu gaareysaa 3500 askari oo milateriga ka tirsan, waxayna kala yihiin:

1- Ciidamada Madaxtooyada Villa Somalia

2 – Ciidamada xerada Warshadda Nacnaca

3 – Ciidamada Badda

4 – Ciiidamada Cirka

5 – & Ciidamada Guutada 60-aad ee xoogga dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneral Maxamed Aadan Axmed

Yaa mushaarka siiya ciidamadan…?

Ciidamada aan kor ku soo sheegnay waxay ka mid yihiin in ka badan 10,000 askari oo Mareykanku bixiyo mushaarkooda bil waliba, isla markaana heli jiray mushaarkooda ka hor marka xaaladan qabsatay ee xuquuqdoodii laga qaatay.

Halkee ka baxay mushaarkoodii..?

Mushaarka ciidamadan waxaan baaritaan dheer kadib ay Goobjooge.com ogaatay in mushaarkii loogu talogalay loo wareejiyay degaanada Puntland oo magacyadoodii ay ku qaateen mushaarka ciidamo ku sugan maamul Goboleedka Puntland oo maamulkaasi hoos taga.

Arrintan waxaa ka danbeeyay taliyaha ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Aadan Axmed oo falkan musuqmaasuqa ah ku dhaqaaqay bilowgii sanadkii 2016, waxaana laga war helay bartamihii 2016 oo diyaargarowga iyo ololaha doorashada uu socday.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu arrinta la ogaa Ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, isla markaana ay dood ka keeneen taliyeyaasha ciidamada iyo wasiirada xukuumadda qaarkood, basle waxba laga qaban waayay, markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ka gaabsaday.

Maxaa keenay Gadoodka ciidamada…? 

Ciidamada kaliya ee gadooday ayaa ah kuwa ku sugan Warshadda Nacnaca ee duleedka Muqdisho, waxaana la sheegay inay yihiin kuwa xaaladoodu ugu liidato, marka loo eego ciidamada kale.

Ciidamada Villa Somalia ayaa hela Gunnooyin kale oo aan ahayn mushaar, halka ciidamada Badda iyo Cirka ay yihiin kuwo bilow ah oo aan awood badneyn, isla markaana tiro badneyn.

Ciidamada gadooday ayaa duhurtii maanta qabsaday Abaanduulaha ciidamada Cali Baashi Maxamed Xaaji kadib markii ay waayeen Taliyaha ciidamada xoogga Gen. Maxamed Aadan, waxaana markaas kadib xaalada soo dhex galay madaxda dowladda Soomaaliya, iyadoo la siiyay mushaar yar oo kumeelgaara.

Maxaa laga qaban doonaa arrintan..?

Warbixin musuqa iyo fadeexada uu ku kacay taliyaha ciidamada Xoogga dalka Jeneral Maxamed Aadan Axmed waxaa ka war helay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Lama oga tallaabada ay ka qaadi doonaan arrintan, waxayse noqon doontaa mid lagu hubiyo daacadnimadooda iyo sida ay uga go’an tahay wax ka qabashada musuqmaasuqa baahay ee madaxda ciidamada iyo kuwa rayidka ahna.

U GAARA GOOBJOOGE.CCOM

F.G: Warbixintan lama qaadan karo, lamana guurin karo iyadoo aan fasax loo heysan

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON