Sunday, July 13, 2025

Kenya oo la-tashi ugu yeeratay C/weli Gaas (Madaxdii martida u ahayd oo cidla looga tegay)

Madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi la socda ayaa maanta u dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo safarkani uu ahaa mid aan hore loo shaacin oo degdeg ahaa.

Gaas

Wararka laga helayo Garowe ayaa sheegaya in Kenya ay C/weli Gaas ugu yeeray la-tashi ku saabsan muranka Xuduudka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo la sheegay inuu madaxweynaha Puntland  ka mid yahay madaxda Soomaalida ee Kenya ku taageersan sheegashada qeyb ka mida Badda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka  Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Camey iyo xubno kale ayaa  sii sagootiyay wafdiga C/weli Gaas. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland socdaalkaasi wuxuu ku saabsan yahay xiriirka Puntland iyo Kenya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Safarkan ayaa yimid iyadoo ay madaxweynaha Puntland marti u ahaayeen ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali iyo hogaamiyaha Juba Axmed Madoobe, taasoo muujineysa ahmiyadda uu siinayo socdaalkan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON