Monday, June 23, 2025

Kenya oo Dacwadii Badda Somalia geyneysa Golaha Amniga ee Q/Midoobay iyo ujeedka ay leedahay

Dowladda Kenya ayaa qaadeysa tallaabo kale oo ay ku dooneyso inay ku carqaladeyso Kiiska Dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya.

Sida ay qortay Warbaahinta Kenya dowladda Kenya ayaa go’aansatay in Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda ICJ ay geysto Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay iyadoo ku doodeysa in maxkamadda aysan dhexdhexaad ahayn iyo in kiiskaasi halis ku yahay Amniga dunida iyo xoogeysiga Alshabaab.

Ujeedka Kenya ay markan dacwadda ugu wareejineyso Golaha Amniga Qaramada Midoobay ayaa ah in lasii dheereeyo dacwadda iyo saameyn ay ku yeelato carqalad ay geliso dacwadda ay u aragto inaysan heysan caddeymo ku filan.

Ad

Waxaa kaloo Kenya la filayaa inay ku dhawaaqdo inay gebi ahaanba ka baxday dacwadda ka sococta Maxkamadda ICJ, waxaana shalay ka bilowday xarunta Maxkamadda dhageysiga dacwadda iyadoo ay Kenya ka maqan tahay.

Kenya ayaa xilligan ka mida dalalka aan joogtada ahayn ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo ay Afrika ku metesho, taasoo ay ugu faa’iideysaneyso dacwadda kala dhaxeysa Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON