Dowlada Kenya ayaa si rasmi ah u diiday in muranka dhinaca badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya la geeyo Maxkamada caalamiga ah, waxayna jawaab ay u dirtay maxkamadda ku caddeysay in kiiskaasi wadahadal labada dal ku dhameynayayaan, taasoo ka danbeysay markii dowladda Soomaaliya 28-kii August 2014 ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ugu gudbisay dacwad Kenya ka dhan ah.
Xeer illaaliyaha guud ee dalka Kenya Githu Muigai ayaa jawaabta uu u diray maxkamadda ku sheegay inuu jiro heshiis iyo is faham dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan in arrintaasi lagu dhameeyo wadahadal. Wuxuu sheegay in haddii murankani la geeyo maxkamada ay noqoneyso in Soomaaliya ay si cad u jabisay heshiiskii ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya.
Xeer illaaliya Kenya wuxuu sheegay iney wanaagsan tahay in labada dal ay iyagu ka wada hadlaan muranka ka dhaxeeya oo aysan gaarin heer maxkamad iyadoo loo marayo ayuu yiri sharciga caalamiga ah. Dowladda Kenya waxay sheegtay in arrinta muranka lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamada iyadoo intaas ku dartay iney ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan All-shaabaab, waxayna sheegtay in la gaaray xilligii soomaaliya ay iska dhaafi lahayd muranka ka dhaxeeya labadal iney u marto qaab maxkamadeed.
Jawaabta Kenya ayaa culeys kale ku keeneysa dacwada Soomaaliya, waxaana culeyska ugu weyn uu yahay heshiiskii uu hore u saxiixay Ra’iisal wasaaraha hadda xilka haya oo sanadki 2009-kii ku lug yeeshay arrintan oo markii dambe uu diiday Baarlamaankii kumeelgaarka ahaa ee Soomaaliya.
Goobjooge.com