Saturday, June 28, 2025

Kenya oo Dowladda Somalia ka dalbatay jawaab ku saabsan Diyaaradii ku dhacday Berdaale

Dowladda Kenya ayaa ka dalbatay dowladda Soomaaliya inay jawaab ka siiso diyaaradii ka diiwaan gashaneyd dalka Kenya ee shalay ku burburtay magaalada Berdaale ee Gobolka Bay.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa farriin ay soo gaarsiisay dhiggeeda Soomaaliya waxau ku dalbatay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo shilka diyaaradda oo wararku sheegeen in la soo riday.

Diyaaradda waxaa dadka ku dhintay ka mida duuliyeyaal u dhashay Kenya oo kala ah: Captain Mabruk Islam Sherman iyo Omar Chiraghdin, waxaana farriinta Kenya u dirtay dowladda Soomaaliya ay shilkan uu dhaawici karo howlaha gargarka ee Soomaaliya ka socda.

Wasaaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa diyaaradaha ka shqeynaya arrimaha gargaarka ee Soomaaliya ku wargelisay inay digtooni sare muujiyaan, iyadoo ay xaaladda si dhow la soconeyso inta laga dhammeystirayo baaritaanka shilkan diyaaradeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON