Sunday, July 13, 2025

Kenya oo lacag dul dhigtay Xubno ka tirsan Al-shabaab oo weeraro ka geystay dalkaasi

Dowladda Kenya ayaa dul dhigtay lacag abaal marin ah rag ka tirsan Ururka Al Shabaa oo ay sheegtay inay ka dambeeyeen weeraro ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Afar qof ayay  Kenya ay shaacisay la dul dhigay lacag gaaraysa 8million oo shilinka Kenya una dhiganta 78-kun oo doolar, iyadoo lacagtaan la siinaayo cidii keenta macluumaadka ku saabsan Afartaan nin oo lagu qaban karo.

Hay’adaha amaanka Kenya waxay sheegtay afarta qof ay yihiin kuwo halis ah oo lagu kala magacaabo: Abdullahi Issak, Idriss Issack, Ahmed Aweys iyo Mohamed Shide, waxayna ku eedeysan yihiin inay ka dambeeyay weerarkii sanadkii 2014-kii bishh December lagu dilay 36 shaqaalaha Magaalada Mandheera.

Sawirada afarta qof ayaa  la shaaciyay si loo aqoonsado , iyadoo ay hore rag kale oo Alshabaab ka tirsan lacag la dul dhigay, mana jito cid sidaasi ay Kenya ku heshay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON