Iyadoo dowlado badan oo dunida muslimka looga dhawaaqay in maalinta Berri ay tahay ciidul fitri ayaa dalka Kenya oo Soomaali badan ku nooshahay laga soo sheegay in laga arkay bishii Shawaal (Soonfur).
Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaalida Kenya ayaa sheegay in dhalshada bisha Shawaal laga arkay meelo ka mid ah Kenya, oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Garissa iyo Mandheera, sidaasina ay Berri ku ciidayaan muslimiinta Kenya.
“Aragtida bisha waxaan ka xaqiijinnay dhowr meelood oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari Kenya sida deegaanka Korkora oo hoos taga Garissa iyo xerada qaxootiga Xagardheer, oo isla Garissa ah, waxaa kale oo aan ka xaqiijinnay ilaa 3 meelood oo ka tirsan Mandheera”, ayuu yidhi Sheekh Uma oo u warramay BBC-da.
Sidoo kale aragtida bisha soon fur ama Shawaal ayaa maanta oo Isniin ah laga arkay dalka Sacuudiga, sida ay shaacisay wakaalada wararka ee Sacuudiga.
Dowladda Somalia ayaa goor dhow la sugayaa inay soo saarto go’aan ku saabsan Ciidul Fitriga.