Friday, April 19, 2024

Sacuudiga oo ku dhawaaqay inay Berri tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga..

Bayaan goor dhoweyd kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa lagu dhawaaqay in Berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga, kadib markii dad kala duwan ay ka arkeen dhula Boqortooyada.

Bayaanka Maxkamadda Sare ee Sacuudiga oo ay faafisay wakaalada wararka Sacuudiga, lagana sii daayey Telefishanada dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay inay maxkamadda go’aamisay inay Berri tahay ciid, kadib markii ay bisha Shawaal ee sanadkan 1440 Harkeen markhaatiyaal kalsoon yahay.

No photo description available.

Dalalka Aasiyada fog sida Indonesia, Maleysiga iyo dalala kale ayaa hore ugu dhawaaqay inaysan arkin bishii Shawaal oo Berri ay dhammeystirayaan 30-ka Shacbaan, iyadoo ay Ciidul fitriga u bilaabaneyso Arbacadda.

Ad

Dalalka Sacuudiga ku xiran ee mar waliba la ciida ayaa waxaa ka mida: Imaaraadka, Baxreyn, Falastiin, Jaaliyada Mareykanka iyo Yurub.

Dowladda Somalia ayaa laga sugaya go’aanka ay qaadato, iyadoo culimo iyo wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ay ku howlan yhiin arrintan .

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON