Dowladda Kenya ayaa si taxadar leh uga hadashay tallaabada ay Dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday ee ay kusoo celisay xiriirkii diblomaasi ee ay hore u jartay.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay inay Kenya ka war heyso tallaabada ay Soomaaliya kusoo celisay xiriirkii diblomaasi ee ay la lahayd Kenya.
“Iyadoo arrintaas jirto ayaa Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ay sugeyaa inay madaxda Soomaalida ay hore u qaadaan tallaabooyin ay ku caadiyeynayaan xiriirka ayna jirto Ganacsiga, Xiriirka, Gaadiidka isu socodka dadka iyo is-dhaafsiga dhaqanka..” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya.
Kenya waxay u mahadcelisay taageerada ay arrintan ka geysteen dalalka Beesha Caalamka, gaar ahaan dowladda Qatar oo dadaal u gashay soo celinta xiriirka labada dal ee Kenya iyo soomaaliya.
