25 diyaaradoo oo dhammaantood qaad sida ayaa maanta oo Khamiis ah ka soo degay Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo garoomada kale ee K/Soomaaliya.
Sida uu sheegay afhayeenka ururka ay leeyihiin ganacsarada Qaadka Kimathi Majuri ayaa sheegay in ganacsiga Qaadka uu dib ugu soo laabtay sidii caadiga ahayd kadib muddo toddobaad ah oo hakad la galiyay.
Maalintii koowaad ee la qaaday xayiraadda laba diyaaradood oo kaliy ayaa ka degtay Muqdisho, taasoo ugu wacneyd Qaadkii oon diyaar ahayn.
“25 diyaaradoo oo buuxa ayaa maanta u dhoofay Soomaaliya. Dalabku wuxuu ahaa mid aad u sareeya kadib xayiraadii” ayuu yir i Afhayeenka oo intaas ku daray inay ganacsatada Qaadka sugayaan jawaabo ku saabsan welwelka ay ka qabaan go’aankii dowladda Soomaaliya.
Ganacsatada Qaadka ayaa sheegay inay lacag gaareysa 500 Milyan oo shilinka Kenya ah ay ku qasaareen toddobaadkii uu xayirnaa Qaadka.
5 Diyaaradoo ayaa Soomaaliya u dhoofi jiray markii dowladda Soomaaliya ay xayirtay Qaadka. Diyaaradaha Qaadka ayaa ku degi jiray garoonka Gaalkacyo, Laascaanood, Boosaaso iyo Beledweyne.
Muqdisho ayaa ah suuqa ugu weyn ee Qaadka, waxaana maalin waliba yimaada 15 diyaaradood oo nooca xamuulka ah maalin kasta.
Goobjooge.com