Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Khaalid Cumer Cali ayaa sheegay in laga hos istaagay doorashada oo la masuq maasuqay kursigii beeshiisa.
Wareysi lala yeeshay ayuu ku sheegay inuusan war u heynin doorashado dhacday isaguna ergadii kursigiisa ay ku sugnaayeen Muqdisho, ergo kale loo qaatay kursiga kadibna si been abuur ah doorashadaasi u dhacday.
Maamulka Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashada maamulkaasi ayuu ku eedeeyay inay ka danbeeyeen musuqa lagula kacay kursigii uu u sharaxnaa.
Wasiirka ayaa sheegay in isaga laf ahaantiisa muddo saacado ah lagu celiyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, kadibna loo sheegay in laga guuleystay isagoo aan joogin.
DHAGEYSO WASIIRKA
Goobiooge.com