Thursday, June 26, 2025

Khabiir waxyaabaha qarxa iyo Weriye ku dhaawacmay Gaari ku qarxay Muqdisho

Qarax ka dhacay Gaari lagu qabtay magaalada Muqdisho oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa dhaliyay dhaawacyo soo gaaray khabiir ka tirsan ciidamada baarista miinooyinka iyo weriye sawir qaade ahaa.

Qaraxan ayaa ka dhacay mid ka mida labada gaari ee ciidamada NISA ay qabteen, kuwaasoo lagu doonayay in lagu weeraro hoteelo maanta kooxda Alshabaab u qorsheysay dhowr goobood oo ka tirsan Muqdisho. Weriyaha dhaawacmay ayaa lagu magacaabaa Fahad Cabdi Gaas.

Laba gaari oo midkood laga buuxiyay qaraxyo lagu waday in lagu weeraro Hotel ku yaala KM5 iyo mid kale oo dabley weerar ah ku geli rabtay hotelkaasi ay ciidamada NISA sheegeen inay gacanta ku dhigeen duhurnimadii maanta, sidoo kale gaari kale ayaa ku qarxay xaafadda Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo laba ka mida ay ciidamo yihiin.

Qaraxa dambe ayaa yimid xilli gaari waxyaabaha qarxa lagu qabtay la doonayay in ka xaqiijiyo waxyaabaha uu siday, waxaana qaraxa ku dhaawacmay Khabiirka iyo weriye.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON