Wednesday, July 16, 2025

KHASAARE CULUS: In ka badan 70 askari oo laga dilay ciidamada Burundi & 20 maqan

Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalkii Leego ayaa sheegaya in tirada ciidamada Burundi ee ka tirsan xoogagga AMISOM ay gaareyso in ka badan 70 askari, sida laga soo xigtay saraakiil Soomaali ah.

burundi-askari

Weerarkaas oo ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee ciidamada AMISOM soo gaara wuxuu ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lala beegsaday albaabka laga galo xerada leego.

20 askari oo Burundi ah iyo 40 ka mida shacab Soomaali ah  ayaa la la’yahay oo la waayay kadib weerarkaasi, waxaana laga cabsi qabaa in la afduubtay oo Alshabaab u gacan galeen. Degaanka Leego iyo xeradii leego ayay la wareegeen Alshabaab.

Sidoo kale waxaa dagaalka ku dhintay tobaab ka mida maleeshiyadii Alshabaab. Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in intii badneyd ciidamadii ku sugnaa xerada Leego la baabi’iyay marka laga reebo wax yar oo baxsaday, wuxuuna intaas ku daray in weerarkaasi xusuusin doono Burundiga weerarkii Dayniile.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON