Friday, June 27, 2025

KASHIFAAD: Dowladda Somaliya oo dacwad ku soo oogtay Wasiir la baxsaday Hanti Qaran (Qormada 2-aad & Heshiiska .SO)

YAA SAXIIXAY HESHIISKA LAGU BIXIYAY DOMAINKA SOMALIYA EE .SO?

Dhamaadkii Sanadkii  2010  ayay ahayd markii dowaladii KMG ahayd ee Soomaaliya ay gashay heshiisyo fara badan oo ay la gashay shirkado shisheeye, kuwaas oo isugu jira shirkado dhanka amniga qaabilsan iyo kuwo dhanka Tiknoolajiyadda ah, waxaana heshiisyadaas ka mid ahaa :

  • Heshiiska Shirkadda GMO oo la wareegtey domianka .SO ee dawliga ah ee dalka Soomaaliya iska leedahay
  • Shirkadda SKA oo la wareegtey dhamaan adeegyada garoonka diyaaradaha ee Adan Adde International.
  • Saracen International  heshiiska muranka badan dhaliyey dawladdu la gashey.

Heshiiska aan diirada ku saarneyno qormadan labaad ahaa ah heshiiska ay xilligaasi dowladda KMG ahayd ay la gashay shirkadda GMO oo la wareegtey domianka .SO. 

Heshiiskii dhex maray Dowladda FKMG iyo shirkadda GMO ee ku saabsan Domain-ka .SO, oo ku qoran luqadda Ingiriisiga waxaa Golaha Wasiirada loo qeybiyay Bishii Febrayo 2011,  waxaa xusid muran inaan heshiiskaasi weligiis la geynin Baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiiska waxaa Soomaaliya saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada iyo isgaarsiinta Prof. Cabdirizak Osman Hassan (Jurile) oo u saxiixay DFKMG iyo Masatoshi Kumagai oo u saxiixay shirkadda GMO. Prof. Jurille ayaa hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waana nin aqoonyahan ruugcadaa ah oo lagu sheego inuu ku lug lahaa fadeexado hore oo mashaariicdii FAI ee Talyaaniga lagu lunsaday dowladii hore ee Soomaaliya.

Sida ku qoran heshiisku waxa uu dhexmaray DFKMG iyo shirkadda laga leeyahay dalka Japan markay taariikhdu ahayd 7dii June 2010. Waxaana qoraalka ku qoran in shirkadda GMO ay aqbashay in ay Wasaaradda Boostada u qaabilsanaan doonto Diiwaanka iyo suuq-geynta Domainka, arrintaasna ay aqbashay Wasaaradda Boostada DFKMG ee Soomaaliya in shirkaddaas oo keliya ay diiwaanka u qaabilsanaan doonto.

Waxa kale oo DFKMG ay aqbashay in ay shirkadda siin doonto lacag (fee) ah oo dhan boqolkiiba 30% dakhliga soo xerooda (ka soo baxa iibinta Domain-ka) – Laakiin kuma qeexna  qaab shirkadda loola xisaabtamayo oo lagu ogaan karo dakhliga maadaama ayadu ay tahay tan diiwaanka haysa. Domain-kaana laga hagayo dalka Japan. Waxa kale oo qormada loo qaybiyey Golaha Wasiiradda DFKMG ku qoran in haddii muran iyo sheegasho ku saabsan heshiiskaas uu yimaado in dhexdhexaadin laga galayo.

Sidoo kale qoraalka waxaa ku xusan in heshiiskaasi uu sanad kasta toos u cusboonaanayo (si automatic ah), waa haddii aan 90 maalmood ka hor aan qoraal (lagu joojinayo heshiiska) laga helin mid kamid ah labada dhinac.

AKHRI HESHIISKA LAGU BIXIYAY DOMAINKA QARANKA SOOMAALIYEED .SO

[pdf-embedder url=”https://goobjooge.net/wp-content/uploads/2016/01/Agreement_MGO.pdf”]

HALKAN KA FURO HESHIISKA OO DHAN

Akhri Qeytii Koowaad

  1. KHASHIFAAD: Dowladda Somaliya oo dacwad ku soo oogtay Wasiir hore oo la baxsaday Hanti Qaran kuna shaqeysta (Qormada 1-aad)

La soco qeybta 3-aad…

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON