Doorashadii Aqalka hoose ee baarlamaanka, kana socotay xarunta magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabeelle ayaa maanta hakad la geliyay.
Arrintan ayaa ka dambeysay khilaaf soo kala dhex galay madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle iyo Guddiga Doorashooyinka dadban oo ku eedeeyay Cali C/llaahi Cosoble inuu faragelin weyn ku hayo Doorashada.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa lagu arkay goobaha ay degan yihiin ergooyinka beelaha kuraastoodu taallo magaalada Jowhar, wuxuuna door weyn ku yeeshay Doorashada sida Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cumar Maxamed Cabdulle ku sheegay qoraal uu u diray Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle.
Is mari waaga labada dhinac ayaa saameyn ku yeeshay dhammaan doorashadii ka socotay magaalada Jowhar, waxaana wararku sheegayaan in kaliya la fasixi doono kuraasta aan muranka ka taagneyn.
Goobjooge.com