Tuesday, June 24, 2025

Khilaaf ka taagan Dilka taliyihii ururka Gorgor ee Ciidamada Danab & Maalintii 3-aad oo aan weli…

Khilaaf ka taagan cidda dishay taliyihii ururka Gorgor ee ciidamada kumaandooska xoogga dalka Maxamed Suleyman Abiikar ayaa keenay inaan maalintii saddexaad la aasin meydkiisa.

Wararka ayaa sheegaya inay qaar kam ida ehelada marxuumka ku doodayaan in taliyaha ay askar ku sugan bar koontarool oo laga ilaaliyo Ex. Hotel Naasa-hablood II, iyagoo bar tilmaameedsaday qabiil gaara oo ay kasoo jeedaan askarta dilka geysatay, taasoo keenay in caddeyn loo waayo, isla markaana arrintu adkaato.

Odayaasha dhaqanka beelaha arrintan u dhaxeyso ayaa dadaal ugu jira in arrintan ay xal u helaan, iyadoo marka hore la aasayo meydka, kadibna wadahadal laga gelayo sida uu kiiska u dhacay iyo cidda uu gacanteeda ku baxay taliye Maxaadey, laakiin waxaa la sheegay inay xaaladda uga sii dareen siyaasiyiin dano kale ka leh.

Kiiskan oo dadka uu dhaxeeyo ay hal beel kasoo wada jeedaan, balse ay kala jufo yihiin ayaan weli qaab dowladeed loo gelin, waxaana caado ah in marka falalka noocan oo kale ah ay dhacaan ay la wareegeen odayaasha beelaha oo mararka qaar ay siyaasiyiin ku lug yeeshaan.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Ugaaska beesha, Culimada waaweyn iyo waxgarad kale ayaa ku howlan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay dilka Taliye Maxaadey oo si weyn looga xumaaday, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in lagu guuleystay in lagu qanciyo ehelada in la aaso meydka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON