Tuesday, July 15, 2025

Khilaaf ka taagan xubnaha kasoo jeeda Somaliland ee Guddiga Doorashada 2016

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in muran ka dhashay xubnaha ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee loo magaaabay Guddiga Doorashada heer Federaal 2016 oo la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu iskiisa magacaabay.

Xubnahaan ayaa ku soo baxay xeer Madaxweyne iyadoo laga soo hormariyay shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada uga furmi doona Isniinta Magaalada Baydhaba, waxayn wararku sheegayaan in Ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka aan la socon arrintan.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar  Carte ayaa xubno kooban ku leh Guddiga lag soo xulay Beelaha Somaliland, waxaana inta badan ay ku yimaadeen rabitaanka Madaxweynaha Xasan Sheekh, iyadoo ay arrintaasi  ka gows qabsadeen Cumar C/rashiid iyo Prof. Jawaari.

Madaxweynaha oo hore ula wareegay awoodii Baarlamaanka isagoo taageero ka heysta madaxda maamul goboleedyada ayaanay jirin qaab xilligan looga hor imaan karo, waxayna arriman oo dhami ahaayeen kuwo hore loo diyaariyay oo lagu soo beegay xilli ay dalka ka maqan yihiin Madaxweynaha. Ra’iisal Wasaaraha iyo ku xigeenka Ra’iisal wasaaraha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON