Tuesday, July 8, 2025

Madaxweynaha & Guddoomiyaha Baarlamanka oo is khilaafsan iyo Shirkii Madasha oo beri furmaya

Khilaaf siyaasadeed culus ayaa ka dhex aloosan madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), kaasoo salka ku haya xaalada kala guurka ah ee dalka iyo awoodda Madasha Qaranka.

Labada mas’uul ayaa hadda ku wada sugan magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan furitaanka shirka Madashada Qaran ee qaabka doorashada dalka, waxaana kulan hordhac ah ay maanta ku yeesheen magaalada Kismaayo, kaasoo aan lagu xalin arrinta dhex taalla.

Khilaafkan ayaa la sheegay inu salka ku hayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo la saftay madaxda maamulada dalka, iyadoo Prof. Jawaari uu olole ugu jiray in muddo kordhin loo sameeyo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, taasoo Xasan Sheekh ku gacan seyray.

Khilaafka labada nin ee ugu sareeya dowlada waqtigeedu dhammaanayo ayaa ka sii daray markii Guddoomiye Jawaari uu socdaal ku tegay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu kula taliyay Jawaari inuusan tegin Dhuusamareeb, waxaana taasi ku gacan seyray guddoomiye Jawaari, taasina waxay keentay cambaareyn ka timaado madaxweynaha Galmudug  C/kariin Guuleed oo la aamisan yahay inay isku mowqif yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo si hoose xiriir ula leh Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku guuleystay inuu Jawaari ka qeyb geliyo shirka Madasha Qaran ee magaalada Kismaayo oo markii hore uu qaadacay, waxaana hadda Kismaayo ka socda  shirar gaara oo ay leeyihiin Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka oo khilaafka labada mas’uul ku doonayaan inay xal ku raadiyaan arrimaha dhex yaalla oo hadda u muuqda inay kasii darayaan.

Jawaari iyo inta badan xildhibaanada Baarlamanka Federaalka ayaa aaminsan in awoodii ay lahaayeen lagala wareegay, waxayna si hoose dadaal ugu jiraan muddo kordhin aan laga yeeli karin, waxaana khilaafka oo dhami la isugu geeyay magaalada Kismaayo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON