Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dalalka Isbaheysiga Sacuudiha iyo Qatar ayaa gaara inay isku dacweeyaan shirkadaha waaweyn ee leh baraha bulshada ku xiriirto.
Barta ay bulshadu ku xiriirto ee Snapchat ayaa warbaahinta Aljazeera ka xayirtay in waxyaabaha ay soo dhigto Sacuudiga laga daawado.
Snapchat ayaa sheegtay in dawladda Sacuudigu ay ka dalbatay in ay adeegeeda dalka ka xannibto warbaahinta ay dawladda Qatar maalgaliso, sababtuna ay tahay in ay jabisay shuruucda dalka u yaalla.
Qatar ayuu muran kala dhexeeyaa Sacuudiga, Baxrayn, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta. Afartaas dal ayaa calaaqaadkii u jaray Qatar horraantii sannadkan, iyaga oo ku eedeeyay in dalkaasi uu argagixisada taageero.
Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dalalka ay ugu xirxirantahay saxaafadda, sida ay sheegeen qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda iyo kuwa u ololeeyaha xoriyadda saxaaafadda. Laakiin Sacuudi Carabiya si gaar ah u sii neceb warbaahinta Aljazeera.
Sacuudi Carabiya ayaa ah suuqa ugu wayn ee baraha bulshada ee Bariga Dhexe, waxaana sare u qaaday dad aad u badan oo leh taleefannada caaqilka ah.