Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa ka hor yimid xil ka qaadis uu maanta sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Wasiirka Cabadi Faarax Juxa ayaa shaqadii ka fariisiyay Xoghayihii joogatada ahaa ee wasaaradaasi Yaxye Cali Ibraahim isagoo si KMG ah xilkaasi mas’uul kale ugu magacaabay, laakiin qoraal kale oo ka soo baxay wasiiru dowlaha C/llaahi Faarax Weheliye ayaa sharci darro iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay tallabada wasiirka.
Qoraalka Wasiiru dowlaha ayaa lagu caddeeyay in Wasiirka aanu awood u lahayn xil ka qaadistaasi, wuxuuna u cuskaday qodobo ka mida Dastuurka iyo, Xeerka shaqaalaha rayidka, wuxuuan wasiirka ka dalbaday inuu ka laabto go’aankaasi.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha Cali Sheekh Maxamed Nuur ayaa isna soo saaray Qoraal uu diidan yahay tallaaba uu qaaday wasiirka arrimaha gudaha.
Waa khilaafkii ugu heer sareeyay ee xukuumadda Kheyre ka dhex oogma intii ay dhisneyd iyadoo hadda ay xaaladu mareyso inay wasiir , ku xigeenkiisa iyo wasiiru dowle isku dhacaan, iskuna heystaan xil joojin, taasoo muujineysa inaysan jirin wadashaqeyn xubnaha ugu sareeya wasaaradaha xukuumadda.
AKHRISO QORAALKA WASIIRU DOWLAHA