Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyay ku yeelanaya xaruntooda Magaalada Muqdisho kadib muddo bil ah oo ay khilaaf uu hareeyay.
Ajendaha fadhiga ayaa ha khubad uu jeediynayo Guddoomiyaha is casilay Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), wuxuuna dadaal aan yareyn u galay inuu khudbadan ka jeediyo Baarlamaanka, taasoo dib u dhacday kadib muran ka dhashay cidda guddoominaysa fadhiga maanta.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Muudey iyo xildhibaannada mooshinka wada ayaa shaki weyn ka keenay ujeedka khudbada Jawaari iyo waxa uu ka hadli doono, waxayna qaarkood dalbadeen in iyadoo qoraal ah uu hore u keeno, arrimahaas oo dhan oo socon waayay.
Guddoomiye Jawaari ayaa ku adkeystay inuu kalanka Baarlamaanka isagu guddoomiyo inta uu khudbadda ka jeedinayo, waxaana markii danbe loo ogolaaday inuu qeybta hore ee fadhiga uu guddoonka isugu lahaado.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Jawaari uu xog badan iyo arrimo qarsoon ku soo bandhigi doono khubadiisa, isla markaana ujeedkiisu yahay inuu shaarkiisa caddeyso, kana hadlo xaqiiqada maamulka ay hogaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre.