Is-maamulka Soomaalida Itoobiya ee kilinka Shanaad ayaa sheegtay lahaanshaha tuulo ka mid Gobolka Mudug ee Soomaaliya oo hoos tagta maamulka Puntland.
Tuuladan oo ku taala xuduudka labada dhinac ee Soomaaliya xigta ayaa dagaal qaraar dhowaan ku dhex maray ciiidamada maamulka Kilinka Shanaad ee loo yaqaan Liyu Police iyo ciidamada Puntand, iyadoo ay ku dhinteen saddex qof.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Liyu Police-ka kilinka shanaad leeyahay ay qabsadeen tuulada kadibna calanka itoobiya ka taageen, taasoo keentay in tuulada lagu dagaalamo.
Wafdi ka socda gobolka Maamulka Puntland oo waanwaan u tegay degaanka lagu dagaalamay ayaa sheegay in xal nabadeed laga gaaray dagaalkii dhacay, isla markaana muranka taagan lagu dhameynayo wadahadal.
Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland oo wafdiga hogaaminayay Xasan Maxamed Khaliif ayaa shegay in ciidanka Liyuu Boolis meesha ay soo weerareen ay ka mid tahay dhulka Soomaaliya oo la oran jiray Dudun, Tuulo xanan, oo ka mida Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug, islamarkaana la oran jiray Tuulo Xaaji Yuusuf kana mid ahayd Soomaaliya, weligeedna aysan dhicin inay Itoobiya ka taliso.
Goobjooge.com