Mas’uulka Amniga maamulka Soomaalida Itoobiya ee Kilinka Shanaad Yaasiin Cabdi Weris ayaa markii ugu horeysay si aan looga baran uga hadlay dagaalo ka dhacay xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo sheegay in maleeshiyo Beeleedka Galmudug soo weerareen degaano ka tirsan dalka Itoobiya ayna isku dayeen inay calanka Soomaaliya ka suraan degaanadaasi.
Mas’uulkan oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay Degmada Galaadi ee Gobolka Doolo ay soo weerareen maleeshiyada Galmudug iyo Alshabaab, wuxuuna ku hanjabay inay weerari doonaan kooxda Alshabaab oo ay difaaci doonaan dalkooda.
Hadalka Mas’uulkan oo qabyaalad ka muuqatay, isla markaana ka marnaa diblomaasiyad waa markii ugu horeysay ee mas’uuliyiin is maamul goboleed Itoobiya ka tirsan ay sidaan u hadlaan.
DHAGEYSO WAREYSI YAAB LEH
Goobjooge.com