Tuesday, June 24, 2025

KISMAAYO: Wasiir ka badbaaday Qarax Gurigiisa ka dhacay iyo laba walaallo ahaa oo ku dhintay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar Bam oo xalay lagu qaaday Guriga Wasiirka Wasiirka Degaanka iyo Dalxiiska ee Jubbaland, Ceydiid Suleymaan Xaashi.

Qarax oo ahaa Bam Guriga lagu diyaariyey ayaa dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana ku dhintay saddex qof oo laba ka mida ay walaallo ahaayeen, iyadoo uu ka badaaday Wasiirka.

Weerarka lagu qaaday Guriga Wasiirka oo ku yaalla xaafadda Siinaay ee magaalada Kismaayo, ayaa imaanaya iyadoo howlgallo amni ay muddooyinkii dambe ka socdeen magaalada Kismaayo.

Labada walaallo ee qaraxa ku dhintay ayaa ka mid ahaa ilaalada wasiirka degaanka Jubbaland Ceydiid Suleymaan, waxaana lagu kala magacaabi jiray Maxamed-Gaas Cabdi iyo Aadan Cabdi.

Ciidamada Amiga maamulka Jubbaland ayaa howlgal ka wada magaalada, waxaana maanta la aasayaa dadkii ku dhintay qaraxa, iyadoo amniga magaalada la adkeeyay.

Image
Image

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON