Aqalka Kongareeska Maraykanka ayaa ka horjeestay diidmadii qayaxneyd ee Madaxweyne Obama uga soo horjeestay qaraarkii ogolaanayay in Sacuudiga lagu maxkamadeeyo weeraradii 9/11.
Diidmada Kongareska ayaa timid markii cod loo qaaday ooo si aqbaliyad ah loo buriyay diidmadii madaxweyne Obama ee toddobaadkii hore, waxaana 348 mudan ay u codeeyeen qaraarka, halka 76 mudane oo kaliya ay diideen.
Waxaa loo baahnaa si diidmada qaraarka Obama meesha looga saaro in Koongareeska ku codeeyo 2/3 taasoo tiro ka badan loo helay., waxayna tani ka dhigan tahay in sharcigan uu ansax yahay, dadka ay eheladooda ku dhinteen qaraxyadii 11-ka September-na ay awoodi karaan inay dowladda Sacuudiga dacwado ku soo oogaan si ay magdhow u helaan.
Xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa sii xumaanaya, waxaana tallaabada ay qaadeen Koongareeska Mareykanka loo arkaa arrin aan hore loo arkin oo dhibaato ku keeni doonta xiriirka caalamiga ah.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in qaraarka Koongareeska uu yahay arrin khalad ahayd oo halis gelineysa Mareykanka danihiisa, ayna dib ugu soo laaban doonta, wuxuuna intaasi ku daray.
Qaraarkaan ogolaanaya in amiirada iyo Sacuudiga loo qabsado weeraradii 11 September ayaa in muddo ah ka socda gudaha Mareykanka.
Goobjooge.com