Koox hubeysan ayaa dhac qorsheysan oo ku cusub magaalada Muqdisho maanta ka geystay xarun ganacsi oo ku taalla suuqa weyn ee Bakaaraha.
Kooxdan hubsysan ayaa la sheegay inay Bistooladaha ku qarsadeen Bacaha nooca Fashion-ka ah oo ay wateen, kadibna markii ay galeen xarun ganacsi oo lagu magacaabo Dugaal Electronic  ay la soo baxeen Bistooladihii iyagoo rasaas ku riday gudaha dukaanka.
Kooxdan ayaa urursatay agab kala duwan oo Dukaanka yaallay sida Qalab electoric ah oo u badan Mobile-lada, waxayna ku baxsadeen Mooto goobta ay markii hore soo dhigteen.
Arrintan oo la yaab ku riday dadkii iyo ganacstadii suuqa Bakaaraha ayaa waxaa dukaanka weyn ee la dhacay isugu soo baxay dad fara badan oo sidii ay wax u dhaceen la fajacay, mana jirin wax tallaabo ah oo loogu gurmaday ganacsatada la dhacay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dableyda dhaca u geysatay ay gaarayeen  5 qof, ayna mar qura galeen Dukaanka Dugaal Electronics, iyadoo iska dhigay dad doonaya inay wax iibsadaan.
Maxamed Axmed Cabdi oo  ka mid Ganacsiga dukaanka la dhacay ayaa sheegay in dhibaato weyn loo geystay, dhaca loo geystayna uu yahay mid xanuun badan oo hanti badan looga boobay.
Mararka qaarkood ayaa falal dhac ah laga soo sheegaa suuqa Bakaaraha, laakiin falkii maanta ayaa ahaa mid si weyn loo qorsheeyay oo maalin cad lagu galo Ganacsi ku yaalla suuqaasi oo ah kan ug weyn magaalada.