Ciidamada amniga magaalada Muqdisho ayaa maanta Saldhigga Degmada Dhankeynleey kusoo bandhigay Lix Nin oo Burcad ah iyo hubkii ay ku howlgeli jireen, kuwaasoo lagu eedeeyay inay shacabka dhac iyo baad ka qaadan jireen.
Kooxdam Burcadda ayaa ka koobnaa lix qof, kuna hubeysnaa qoryaha AK-47, iyadoo la sheegay inay falal amni darro ah ka wadeen xaafado ka tirsan degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, waxaana goobta lagu soo bndhigay goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.
Saraakiisha ciidamada booliska ayaa sheegay inay muddo ku daba jireen kooxdan, isla markaana ay suuragashay in gacanta lagu soo dhigo, waxaana, goobta tegay oo la wareegay maxkamadda ciidamada qalanka sida.


