Sunday, July 13, 2025

Koox falal Burcadnimo ah ka waday Magaalada Muqidsho oo la qabtay [Sawirro]

Hay’adaha ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay koox burcad ah oo ka qaraaban jirtay qaar ka mida degmooyinka gobolka Banaadir.

Howlgal ay Ciidamada Xasilinta Muqdisho ka sameeyeen degmada Yaaqshiid ayaa lagu abtay koox burcad ah oo ka kooban 4 nin, kuwaasoo  falal dhac ah ka waday aafadaha degmadaas, waxaana is rasaaseyn kooban dhex martay ciidamada xasilinta.

Ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay  saddex nin oo mida  kooxda, halka midka afraad uu goobta ka baxsaday. Waxaa kaloo lagu soo qabtay 12 mobile iyo qori AK47 ah, waxayna ku howlgalayeen Mooto Bajaaj ay wateen, sida uu sheegay afhayeenka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa goobjoog ka ahaa goobta lagu soo bandhigay agabka ay dadka ka dhaceen.

SAWIRRO

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON