Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya inuu dagmadaas ka dhacay fal dil aha oo lagu khaarijiyey askari ka tirsanaa ciidamada milateriga.
Falkan ayaa ka dhacay degmada Balcad xilli uu askariga la dilay oo magaciisa lagu soo gaabiyey Qalinle kasoo baxayey masjid ku yaal degmada, waxaana goobta ka baxsaday dableydii dilka askariga fulisay oo la sheegay inay ahaayeen laba qof.
Ciidamada amniga degmada Balcad ayaa tegay goobta iyagoo qaaday meydka askariga, iyadoo aan la helin dableydii falka geysatay. Askariga la diley ayaa ka tirsanaa ciidamada saldhigga Balli-Doogle, isagoo degmada Balcad u tegay waalidkiis oo deganaa.
Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur iyo Taliyaha saldhigga ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay Hay’adaha ammaanka fareen in ay gacanta ku soo dhigaan raggii dilka geystay.