Wararka laga helayo magaalada Muqidsho ayaa shegay koox hubysan ay fal dil ah ka fulisay suuqa weyn ee Bakaaraha, Magaalada Muqisho.
Falka dilka ah ayaa ka dhacay agagaarka Xarunta Shirkadda Xawaaladda Tawakal ee wadada koowaad, Suuqa Bakaaraha, iyadoo kooxda falkaasi geysay ay goobta ka baxsadeen, kadib markii toogasho ku dileen qof shacab ah oo wararka qaarkood sheegayaan inuu ka tirsanaa shirkadaha Isgaarsiinta.
Waxaa goobta gaaray Ciidamada amniga aya goobta gaaray, iyadoo aan lagu guuleysan in la soo qabto raggii ka danbeeyay dilka.