Koox hubeysan ayaa maanta fal dil ah ka fulisay suuqa ugu weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa ka dhacay qeybta Khudaarta ee suuqa Bakaaraha, waxaana halkaasi koox Bistoolado ku hubeysan ay ku toogteen nin ganacsade ah oo ka mid ahaa dadka ku ganacsada Suuqa Khudaarta.
Ninka la dilay ayaa wararku sheegayaan inuu ahaa oday da’ ah oo khudaarta ka keena Gobolka Sh/hoose, mana cadda sababta loo dilay iyo cidda dilkiisa ka dambeysay.
Wararka ayaa sheegay in kooxdii dilka geysatay ay baxsadeen, waxaana halkaasi gaaray ciidamada amniga oo baaritaan ay sameeyaan aan ku guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan dadkii dilkaasi geystay.