Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay saaka fal toogasho khaarijin ah ka fulisay magaalada.
Kooxdan ayaa toogaay askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo lagu dilay xaafada Dabakaayo Madow ee degmada Dharkeynley, iyagoo goobta ka baxsaday markii ay ka qaateen qori uu watay.
Askariga la khaarijiyay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamuud Axmed Toosow, waxaana falkan u geystay laba nin oo bistoolado ku hubeysan.
Ciidamada degmada oo goobta gaaray ayaa halkaasi ka qaaday Meydka Askariga la dilay, iyadoo aanay jirin cid loo soo qabtay.