Thursday, July 17, 2025

Koox hubeysan oo lagu qabtay Suuqa weyn ee Bakaaraha & Booliska oo war kasoo saaray

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay howlgal Ciidamada ka fuliyeen Suuqa Bakaaraha, degmada Howl-wadag oo lagu qabtay Koox Burcad ah.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Zakiye Xuseen ayaa shaacisay in Ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen laba nin oo Burcad ahaa, kuwaas oo dhac ka geysanayay gudaha Suuqa Bakaaraha, kadib markii laga war helay.

“Ciidamada Boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan labo burcad oo hubaysan oo bulshada ku dhacaayay suuqa Bakaaro. Waxaan shacabka degmada ugu mahad celineenaa gacan siinta soo qabashada burcadka ayay tiri Zakiya Xuseen oo magaca Booliska kula hadashaa warbaahinta.

Ciidamada Booliska ayaa muddooyinkan danbe dagaal kula jiray kooxo burcad ah oo magaalada Muqdisho fara ba’an ku haya, waxaana ugu danbeysay isku-rasaaseyn suuqa Xamarweyne ku dhex martay Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo koox burcad ah oo qof shacab ahi ku dhintay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON