Thursday, June 26, 2025

Koox hubeysan oo magaalada Baydhaba ku dishay Guddoomiyihii Naafada Maamulka K/Galbeed

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in koox dabley ah ay gurigiisa ku weerartay, kuna dishay Guddoomiyihii Ururka Naafada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Marxuum Shariif Mukhtaar Jiis.

Dableyda dilka geysatay ayaa la sheegay inay ku hubeysaayeen Bistoolado, waxayna tageen halka uu degan yahay marxuumka oo ku dhex taallay Xero barakac gudaha Magaalada Baydhabo, iyagoo halkaas ku toogtay, kadibna goobta ka baxsaday.

Guddoomiyihii Ururka Naafada Koonfur Galbeed Shariif Mukhtaar Jiis ayaa ka mid ahaa dadka baahiyaha gaarka h qaba, isagoo hore dhaawac uga soo gaaray Sanadkii 2018, markii Koox hubeysan rasaas ku fureen.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan ) ayaa tacsi u diray qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday Guddoomiyihii Ururka Naafada K/Galbeed oo xalay lagu khaarijiyey magaalada Baydhaba.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON