Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil Duhurnimadii Jimcaha maanta ka dhashay magaalada Muqdisho.
Dilkan oo ay geysatay Koox Bistoolado u hubeysan ayaa ka dhacay xaafadda Ceel Tubaweyne ee Degmadada Yaaqshiid, Gobolka Banaadir; waxaana lagu khaarijiyey sarkaal magaciisa lagu sheegay Cumar Idiris oo ahaa Dacwad-qorihii Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid.
Dilka ayaa ka dhacay Masjid u dhow Saldhiga Degamada Yaaqshiid, waxaana goobta ka baxsaday Dabdleydii dilka geysatay, iyadoo markaas kadib ay halkaasi gaareen ciidamada Amniga.
Dadka degaanka ayaa sheegay in sarkaalka la dilay uu ahaa in si weyn looga yaqiin xaafadda, isla markaana uu ahaa Nin Da’ oo muddo dheer ka howlgalayey saldhigga degmada.
