Wararka lagala helayo degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in koox hubeysan ay caawa toogasho ku dileen nabadoon caan ka ah degmadaasi.
Nabaddoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xaashi Diriye, waxaana rasaas ku furay rag Bistoolado ku hubeysan xilli uu kasoo baxay Masjidka, kadiba waxay ka baxsadeen goobta ay dilka ka fuliyeen.
Nabadoonka ayaa ka midaa Odoyaasha dhaqanka Degmada Beled-xaawo iyo Gobolka Gedo, waxaana dilkiisa kadib halkaasi ka bilowday howlgal lagu raadinayo kooxdii falkaasi geysatay.
