Monday, July 14, 2025

Koox Maleeshiyo Beeleed ah oo Gobolka Sh/Dhexe ku leysay Wadaado Qur’aan akhris ku jiray

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in koox maleeshiyo beeleed ay tuulo ka tirsan degmada Cadalle ku leysay wadaado macalimiin Quraan ahaa.

Falkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay tuulada Koogaar (Burdheere) ee degmada Cadalle, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in dableyda weerarka qaaday ay rasaas ku furtay goob ay ku sugnaayeen Macalimiinta oo xilligaasi ku jiray Quraan akhris, kadibna ay baxsadeen.

Waxaa goobta ku dhintay shan qof oo ahaa macalimiintii Qur’aanka, iyadoo laba kamida ay wallaalo yihiin, waxaana magacadooda lagu kala sheegay:

1- Sheekh Daahir Xasan Cali

2- Macalin Maxamuud Canbuure

3- Macalin Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe

4- Macalin Mukhtaar C/laahi Cilmi,

5- iyo Ow Muxumud Xasan Cali

Laba macalin oo dhaawac soo gaaray ayaa la sheegay in Muqdisho loo soo qaaday, waxaana la xaqiijiyey inuu midkood u dhintay dhaawaca, iyadoo tirada dhimashada ay gaartay lix macalin.

Arrintan ayaa salka ku heysa aano qabiil oo laba beelood oo degaanka ah muddo dheer u dhaxeysay, xilli waliba dib u soo laabata, waana falkii ugu weynaa ee muddooyinkan ka dhaca degaankaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON