Wararka laga helayo magaalada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in laba ka mida ergadii soo doroatay xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya lagu dilay Afgooye.
Koox bistoolado ku hubeysan oo watay Mooto ayaa toogasho ku dilay laba qof oo midkood haweeney ahayd, kuwaasoo la sheegay ka mid ahaayeen ergadii dooratay Barlamaanka Soomaaliya, wuxuuna dilka ka dhacay xaafadaha Ceel Qode iyo Daahisooy ee degmada Afgooye.
Laba qof ee la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Xasan Caalin oo markii hore ay dileen, kadibna ay xaafad kale ku dileen Aamino Mayow, waxaana dableyda dilka geysatay ay ka baxsadeen goobta.
Ciidamada amniga degmada Afgooye ayaa goor danbe gaaray gobaha dilku ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen meydadka labada ruux, waana dilkii ugu horeeyay oo laba ergay ay mar qura goobo kala duwan ku beegsadaan kooxaha hubeysan.