Thursday, June 26, 2025

Koox Qarax u maleegtay Qoysas Soomaali ah oo lagu qabtay Mareykanka

Dowladda Mareynkanka ayaa shaacisay in la qabtay rag ka kooban saddex qof oo qorsheynayay inay qarxiyaan dhisme ay degan yihiin qoysas Soomaali ah.

Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in la xiray saddex nin oo Mareykan ah oo qorsheynayey in ay weeraraan masaajid iyo guryo ay daganyihiin qoysas Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Garden City ee gobolka Kansas ee dalkaan Mareykanka.

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Mareykanka Tom Beall ayaa xalay u sheegay wariyaasha in raga kala ah Curtis Allen, Gavin Wright, iyo Patrick Stein, la xiray Jimcihii isla markaana lagu soo eedeeyey dhamaantood danbiyo la xiriira aragagixisada gudaha.

Tom Beall ayaa sheegay in ay kooxdan xagjirka ah qorsheysteen in ay dhigaan gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey afarta gees ee daar dheer oo ka kooban dhowr abaartment oo ay daganyihiin ilaa iyo 120 ruux oo Soomaali ah.

Warka ayaa intaasi ku daraya in qorasha weerarka uu ahaa in la fuliyo 9-ka bisha November ee soo aadan oo ah maalin kadib marka ay dhacdo doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka.

VOA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON