Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in haween ka tirsan kuwa nadaafadda Gobolka Banaadir loo adeegsaday waxyaabo loo maleynayo inay Sun yihiin.
Gaari ay wateen koox aan la garan ayaa al sheegay in haweenkan oo ka shaqeynayey degmada Cabdicasiis uu halkaasi ugu yimid Gaari ay wateen koox rag ah, kaasoo haweenkaasi ku buufiyey waxyaabo dareere ah oo loo maleeeya inay Sun yihiin, waxayna raggaasi ku baxsadeen Gaari nooca NOAH ah oo ay wateen.
Dadka degaanka ayaa sheegay in haweenka la buufiyay ay gaarayeen 9, waxaana kadib arrintaasi ay keentay Afar kamida uu si degdeg ah jirkoodu isu bedelo, waxaana loola cararay isbitaalka Hubaal ee degmada Kaaraan.
Dadka degaanka ayaa sheegay in gaariga uu wax u eg qaac iyo dareer ku sii daayey goobta, iyadoo dadkii goobta joogay ay goobta ku dhaceen, qaarna ay wareerreen.
Dhaqaatiirta ayaa la tacaalaya xaaladda haweenkan, iyadoo ay socdaan baaritaan ku saabsan waxa loo adeegsaday, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee fal noocan ah loo adeegsado haweenka nadaafadda.
SAWIRRO: Wararkii ugu danbeeyay Xaaladda Haweenkii Nadaafadda ee lagu sumeeyay magaalada Muqdisho