Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inay Ugaaska Beesha Ceyr ka xayireen inuu ka baxo hoygiisa magaalada Guriceel.
Kooxda Ahlu Suna ayaa la sheegay inay ka hortegayaan inuu Ugaasku ku biiro shirka Cadaado ee ay ka socoto qabanqabada doorashada 2013 ee lagu soo xulayo xildhibaanada labada gole ee degaanadaasi.
Nabadoon Cali Xaashi ayaa beeniyay in Ugaaska Beesha Ceyr xabsi guri ku jiro, wuxuuna sheegay inuu dhowaan tegayo magaalada Cadaado, halkaasi oo lagu soo xulayo xildhibaanada gobolla labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud.
Kooxda Ahlu Suna ayaa hore Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur ka celisay inuu ka dhoofo degaanadooda, iyadoo la sheegay inuu dacwad ku soo oogay Cabdi Nuurre Siyaad oo ka mid ahaa qabqableyaashii hore, waxaana arrintan cusub loo arkaa tallaabo cusub oo Ahlu suna carqaladeynayso.
Goobjooge.com