Thursday, June 26, 2025

Kooxda Alshabaab oo Dab qabadsiisay Gaadiid gargaar u siday Degmada Waajid

Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab ay dab qabadsiiyeen taashin gargaar ahaa.

Arrintan ayaa ak dhacday duleedka degmada Waajid, waxaana raashinka siday Gaadiid loo diray degmada Waajid oo go’doon ku jirta muddo dheer.

Waxaa arrintan ka hadlay Maamulka Degmada Waajid oo ku eedeeyay kooxda Alshabaab inay caddow ku tahay dadka Soomaaliyeed ee dhibateysan. Guddoomiyaha Waajid C/llaahi Yariisow ayaa sheegay in Waajid ay xayiran tahay oo aanay jirin cid soo geli karta.

Gaadiidka raashinka siday ee Alshabaab gubtay ayuu sheegay inay gaarayaan 28 Gaadiid ah, isla markaana la dilay dadkii gaadiidkaasi waday.

Alshabaab ayaa degaanada ay gacanta ku heysa raashin gargaar ah ka qeybisa, waxayna arrintan noqoneysaa haddii la xaqiijiyo falkii ugu horeeyay ee Shabaab ku kacdo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON