Ururka Alshabaab ee ka taliya qeyb ka mida Koonfurta Soomaaliya ayaa soo saartay amar yaab leh kadib markii ay isticmaalka Bacda ka mamnuucday degaanada ka taliyaan.
Amarka Alshabaab ayaa ka dhaqan galay degaanada Alshabaab, iyadoo arrintan ay tahay go’aan ay ku dhiiran weyday dowladda Soomaaliya, horena uga dhaqan galay dalka Kenya, kadib markii Bacda loo arkay inay dhibaato ku yihiin degaanka, waxayna Alshabaab sheegeen in Bacda ay halis ku heyso degaanka iyo xoolaha, sidaasina loo mamnuucay.
Alsahbaab ayaa hore ugu eedeysnaa inay lacago badan ka helaan jarista geedaha oo laga sameeyo dhuxusha la dhoofiyo, taasoo nabaadguur ku ah degaanka Soomaalida, waxayna dad badan is weydiinayaan sida ay isku qaban karaan labadan arrimood.
Dalal badan oo adduunka ka mid ah ayaa mamnuucay isticmaalka bacda, waxaana la ogaaday in bacda ay halis weyn ku tahay deegaanka iyo xayawaankaba. Waxayna tallaabada Alshabaab noqoneysaa mid la yaab leh marka loo eego dhaqankooda.