Sunday, July 13, 2025

Kooxda Alshabaab oo Gobolka Baay ka fulisay Xukun Dil toogasho ah

Kooxda Alsahbaab ayaa shaacisay inay xukun dil qisaas ah ku fulisay gacan-ku-dhiigle ku eedeysanaa fal dil ah.

Maxkamada Al Shabaab ee Gobolka Bay  ayaa xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay horay inuu dil uga geystay degaanka Iidaalle ee duleedka Magaalada Baydhabo. Ehelada marxuumka horay loo dilay, ayaa waxa ay dalbadeen in loo qisaaso dilka wiilkooda.

Ninka xukuknka dilka ee qisaasta ah lagu fuliyey ayaa lagu  magacaabi jiray Aaden Ibraahim Aadan, kaasoo la sheegay inuu hore u  dilay Haweeney lagu magacaabi jiray Muumino Macallin.

Garsooraha Maxkamadda Alshabab ayaa goobta xukunku ka dhacayay ka sheegay in Ninka la qisaasay uu haweenayda weeraray isagoo doonayay in uu kufsado balse ay iska difaacday kadibna uu dhaawacay illaa markii dambe uu kufsaday kadibna Afar mar ku dhuftay Faas sidaasna uu ku dilay.

Maxkamadaha Alshabaab ayaa si joogto ah u fuliya xukunno dil iyo gacan goys ah oo degaanada ay ka taliso ku maamula shareecada islaamka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON