Maleeshiyada kooxda Alshabaab ayaa afduub kula kacday odayaal fara badan oo kasoo jeeda Gobolka Galgaduud, kuwaasoo la sheegay in loo heysto bixinta Diyo dad la dilay oo ay hore u balanqaadeen.
Wararka ayaa sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabab ay odayaal gaaraya 62 oday ay ku xireen degmada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Odeyaashan ayaa loo haystay sannad ka hor bixinta diyada 5 qof oo ka tirsan jufadooda oo ay iyaga dusha saarteen.
Diyada qof kasta ee laga rabay odayaasha ayaa gaaraysa 100 Halaad, iyadoo lagu ballamay in sannad kasta ay bixiyaan diyada hal qof oo ka mida shanta qof ee beeshooda ay dishay, laakiin ay ballantii ka baxeen.
Sannadkan oo laga sugeyay diyada qof ka mida dadka la dilay ayey odeyaasha ka caga jiideen dhamaystirka bixinta diyadaasi, taasoo keentay in Alshabaab ay xirto, waxaana markii dambe la sii daayey Siddeed kamid ah odeyaasha oo beesha la heysto aan ka mid ahayn.