Thursday, July 17, 2025

Kooxda Alshabaab oo shaacisay inay 15 askari ku dileen weerar ka dhacay degaan hoostaga Wajeer

Warrka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay weerar qarax loo adeegsaday ku dileen 8 askari oo ciidamada Kenya ka tirsan oo la socday Kolonyo ciidanka Booliska Kenya ka tirsan.

Qaraxa Miinada ayaa ka dhacay degaanka Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, iyadoo gebi ahaan burburisay gaari ay saarnaayeen ciidamada Kenya oo la xaqiijiyey inay ku dhinteen askarta faraha badan.

Qasaaraha soo gaaray ciidamada Kenya ayaa ah midkii labaad ee askar badan lagu laayo oo Alshabaab ay ku qarxiyaan miino culus oo loo dhigay, iyadoo qarax kan la mid ay hore ugu dhinteen ilaa 5 askari oo Kenyaan ah.

Kooxda Alshabaab ayaa dhinaceeda shaacisay in degaanka Kutuloow ee hoos taga degmada Wajeer ay ku gubeen  Gaari nooca xamuulka ee ciidamada qaada oo ay la socdeen ciidamada Kenya, ayna ku dhinteen 15 askari.

Alshabaab ayaa sheegtay in weerar ay mujaahidiintu ka fuliyeen deegaan hoos yimaada Wajeer waxaa lagu dilay markii la burburiyay Gaari xamuul ah oo ciidamadaasi la socdeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON