Sunday, August 10, 2025

Kooxda Alshabaab oo shaqaale caafimaad ka afduubtay Gobolka Gedo

Kooxda Alshabaab ayaa Gobolka Gedo ku afduubtay shaqaale ka tirsan Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO oo degmada Luuq ka waday ololaha tallaalka dabeysha.

Warrka laga helayo degaankaasi ayaa sheegaya in shaqaalaha caafimaad laga qafaashay duleedka degmada Luuq iyadoo la geeyay halka lagu magacaabo. Buuraha Golweyn.

Taliyaha Saldhiga degmada Luuq Diyaad Cabdi Kaliil ayaa ku eedeeyay afduubkan inay ka dambeeyeen Al-Shabaab, isagoo sheegay, isla markaana dadka la afduubtay aanay ahayn shaqaale rasmi ah oo ay ahaayeen dad shaqo maalmeed shan maalmood ah ku shaqeynayay.

Shaqaalaha la afduubtay ayaa tiradoodu gaareysaa afar qof, waxaana socda dadaallo lagu raadinayo halkii ay ku danbeeyeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON