Kooxda Alshabaab ayaa soo saartay Manhaj waxbarasho oo dugsiyada hoose ah oo loogu talogalay in lagu dhigo dugsiyada hoose ee degaanada Shabaabku ka taliyo.
Maadooyinka waxaa soo diyaariyay Qeybta Barbaarinta iyo Waxbarashada Xarakada Al Shabaab, iyadoo tirooyin badan laga daabacay, lana soo bandhigay.
Waxaa ka mida muqarrarka Alshabaab maadooyinka Carabiga, Fiqhiga, Towxiidka, Tajwiidka, Taariikhda, Jugraafiga iyo maadooyin kale oo la sheegay in lagu qaadan doono manhajkaan waxbarasho ee dugisga Hoose. Waxaa goobjoog ahaa afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere.
SAWIRRO