Kooxda Alshabaab ayaa ku dhawaaqay inay khaarijisay askari Uganda u dhashay oo ay maxbuus ahaan u heysatay muddo dheer.
Askarigan ayaa gacanta ugu jiray Alshabaab tan iyo dagaalkii Janaale oo xeradii AMISOM ah ku qabsadeen, qasaare badanna ka dhacay, waxaana askarigan ay hore uga soo duubeen Vido uu farriimo ugu dirayo dowladda dalkiisa.
Filim soconaya muddo 9 daqiiqo ah ayay baahiray Alshabaab kaasoo muujinaya sida loo toogtay askariga maxbuuska ahaa isagoo farriimo u diray dadkiisa iyo dowladiisa.
Askariga ayaa sheegaya in dowladiisa ay meel cidlo ah uga dhaqaaday, waana filim si weyn loo diyaariyay oo loogu talo galay in cadaadis lagu saaro dowladda madaxweyne Yoweri Musaveni.
DAAWO SAWIRRO
HADDII AAD DOONEYSO FILIMKA HALKAN KA DAAWO