Wednesday, July 16, 2025

Kooxda Alshabaab oo toogtay Rag lagu soo eedeeyay Basaasnimo [Akhriso Magacyada]

Kooxda Alshabaab ayaa afar qof oo lagu eedeeyay basaasnimo ku toogtay fagaaraha degamada Bu’aale ee xarunta Gobolka Jubadda Dhexe.Maxkamadda Alshabaab ayaa afartan nin ku soo eedeysay inay Basaasiin u ahaayeen caddowga ayna dhammaantood qirteen dambiyada ay galeen, iyadoo lagu eedeeyay inay basaas u ahaayeen Itoobiya.

Goobta dilka lagu fuliyay waxaa la isugu keenay dadweyne boqolaal qof ah, kuwaasoo daawanayay dilka toogashada ah, waxayna magacyada ragga la toogtay ay kala yihiin:.

1-C/risaaq Xaashi Cabaas oo lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka Itoobiya.

2-Cumar Cadar Cumar oo ahaa 25 sano jir laguna eedeeyay inuu u shaqeynayay PS-ta dowladda Federaalka.

3-Maxamed Aba Mayoow  oo lagu edeeyay inuu u basaasayay dowladda Federaalka.

4-Mustaf Macalin Xasan oo lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay sirdoonka Itoobiya.

Maxkamadaha Alshabaab ayaa xukunnada noocan ah saldhig uga dhigay qirasho taasoo dood badan laga keeno.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON